KEYDMEDIA ONLINE DIB U HABEYN BAA KU SOCOTA
Gudoomiyaha Maamulka Degmada Afmadow ayaa waxaa loo magaaabay C/xakiim Cumar Xaaji oo ka tirsan Ururka Raaskaambooni, balse markii hore ka yimid wadamada Qurbaha.
Axmed Madoobe hogaamiyaha Raaskaambooni ayaa warbaahinta Keydmedia u sheegay in magacaabista Gudoomiyaha cusub ee magaalada Afmadow ay timid kadib wada xaajood iyo falanqeyn dheer oo ay yeesheen Ugaasyada, Odayaasha iyo Siyaasiinta deegaanmka.
C/xakiim Cumar Xaaji Gudoomiyaha cusub ee Afmadow taariikh badan oo ku saabsan shaqooyinkiisa iyo aqoontiisa weli ma aanu helin.
Inkastoo Gudoomiyahaan la magacaabay haddana waxaa soo baxaya guux aad u weyn kaasoo looga soo horjeedo magacaabista qaabka Maamulkaan loo magacaabay, waxaana soo baxaya dad deegaanka u dhashay oo ka soo horjeeda magacaabista.
Keydmedia.net - Xafiiska, Kismaayo
Add comment
Comments
There are no comments for this entry yet.