Maamulka Gobolka oo ka aamusan caqabada heysata gaadiidleyda

Maamulka Gobolka Banaadir, ayaa ilaa iyo iminka wax jawaab ah ka bixin caqabada waddo xumo ee ka jirta caasimadda.

Warar Keydmedia Online
Maamulka Gobolka oo ka aamusan caqabada heysata gaadiidleyda

MUQDISHO, Soomaaliya- Darawalada gaadiidka ayaa si xooggan u qeylo dhaaminaya, iyagoo ka cabanaya bur burka hareeyey qaar ka mid ah wadooyinka caasimadda.

Jidadka qaar ayuu ka muuqdaa bur bur lixaad leh, halka kuwa kalana ay fadhiyaan biyaha roobabka ka da'ya gudaha magaalada.

Maamulka gobolka banaadir ayaa iska indho tiraya dayaca ka muuqda wadooyinka Muqdisho, ilaa iyo iminkana wax jawaab ah lagama hayo.

Gadiidleyda iyo wadayaasha bajaajta ee cabaneysa ayaa ah kuwo si joogto ah u bixiya canshuur, taas oo aan la ogayn halka la mariyo, maaddaama aan wax adeeg ah loogu qaban dadka caasimadda ku nool.

Duqa Muqdisho iyo madaxda kale ee gobolka ayaa ku mashquulsan boobka dhulka danta guud iyo kuwo gaarka loo leeyahay, welina dowlada Soomaaliya ma qaadin tallaabo ay ku hor istaageyso dhaca ay wadaan masuuliyiinya dowlada hoose.

KEYDMEDIA ONLINE 

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.