Maamulka Puntland oo howlgal ka fuliyay deegaano ay ku sugan yihiin Al-Shabaab

Maamulka Puntland ayaa howlgal qorsheysan ka fuliyay deegaano ka tirsan gobolka Bari oo ay ku sugan yihiin Kooxda Al-Shabaab.

Warar Keydmedia Online

Deegaanada howlgalada ay ka dhaceen ayaa waxaa ka mid ah tuulada Geeso-qabad iyo degaanada hoostaga ee buuraha Cal Miskaat, oo ay ciidanka Puntland heleen xogo sheegaya in degaanadan ay mararka qaar ku dhuumaaleystaan.

Saraakiisha laamaha ammaanka ee Puntland ayaa sheegay in ay sii wadi doonaan howlgalada ka dhanka ah Al-Shabaab iyo Daacish.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.