Maamulka Degmada Heliwaa oo eedeeyay Hay’adaha ICRC, WFP, UNDP

Muqdisho (Keydmedia) - Maamulka Degmada Heliwaa ee Gobolka Banaadir ayaa eedeyn dusha kaga tuuray Hay’addo badan oo ka howlgala gudaha Magaalada Muqdisho iyo qaar ka mid ah gobollada Dalka Soomaaliya.
Warar Keydmedia Online

Guddoomiyaha Degmada Heliwaa ee Gobolka Banaadir Cumar Cabdulle Jacfaan ayaa waxa uu sheegay in Hay’addo ay ka mid yihiin ICRC, WFP, UNDP inaysan wax gar gaar ah la soo gaarin dadka Shacabka ah ee ku dhaqan degmadaasi.

Guddoomiyaha  ayaa sidoo kale ku eedeeyn NGOs Ururada Maxalliga ah ee ka howlgala Magaalada Muqdisho inaysan u gurman Shacabka ku dhaqan degmada Heliwaa oo u badan dad dhawaanahanba ka soo cararay dagaalladii ka dhacayey Duleedka Magaalada Muqdisho.

Hadalkan ayaa imaanaya xilli ay Magaalada Muqdisho ku suganyihiin Hay’addo tiro badan oo isagu jira kuwa Caalami ah iyo kuwa Maxali ah,kuwaasi oo sheega inay wax u qabanyaan Shacabka ku dhibaataysan Gobolada dalka Soomaaliya.

Si kasta waxaa soo baxaya Cabasho ay samaynayaan Shacabka ku dhaqan Degmooyinka Gobolka Banaadir oo aan la garaasiin wax Gargaar ah kadib markii Dagaaladii ka dhacay Duleedyada Muqdisho ay soo barakiciyeen Kumanaan Qoys oo aan waxba haysan,kuwaasi oo aan awoodin inay xitaa iska bixiyaan Kirada Guryaha magaalada oo Xilligan qaali ah.

Keydmedia.net - Xafiiska Muqdisho

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.