Maamulka Degmadda Afgooye oo la isku haysto

Muqdisho (Keydmedia) - Khilaaf ayaa durbaba ka dhashay Maamul Cusub oo dowlada KMG ah ee Soomaaliya ay Shalay u magacaawday Degmada Afgooye ee Gobolka Sh/hoose, taasi oo Maalmo kahor ay kala wareegtay Kooxda Shabab-Al Qaacidda.
Warar Keydmedia Online
Maamulka Degmadda Afgooye oo la isku haysto

Wareegto kasoo baxday Wasaaradda Arrimaha Gudaha waxa ay ku magacaawday Maamul Cusub oo ay yaalato Degmadaasi.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Amniga Bashiir Max’ed Salaad (Goobe) ayaa Wareegto kasoo baxday Wasiirka Arimaha Gudaha ee dowlada KMG Cabdi Samad waxa uu uga magacaabay Gudoomiyaha Degmada Afgooye C/laahi Cabdi Axmed.

Xildhibaan Cali Afgooye oo ka mid ah Xildhibaanada Barlamanka KMG ah ee Soomaaliya ee kasoo jeeda Gobolka Sh/hoose ayaa waxa uu kasoo horjeestay magacaabista Gudoomiyaha cusub ee Degmada Afgooye, isagoo ku eedeeyay Guddoomiyahan loo magacaabay in uu horay Dambiyo ka baxsan Bini’aadanimada uu uga galay Gobolka.

Madaxweynaha Dowladda KMG ah ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo ka hadlay Khilaafkan ayaa sheegay in Maamulka Degmada Afgooye uu yahay mid KMG ah oo aan loo baahnayn in la isku qabqabsado hadda.

Keydmedia.net - Xafiiska, Muqdisho

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.