Maamulka G/Hiiraan oo howlo nabadayn ah ka wada deegaano ka tirsan gobalka

Muqdisho (KON) Maamulka gobalka Hiiraan iyo waliba ciidamada AMISOM eek u sugan magaalada Baladweyne ayaa u istaagay xalinta xiisado ka taagan deegaanka Kabxanlay oo ka tirsan deegaanada hoosyimaada magaalada Baladweyne.
Warar Keydmedia Online

Salaad Adan Cismaan oo ka mid ah masuuliyiinta maamulka gobalka Hiiraan ayaa sheegay in arintaan ay ka soo bilaabatay dhulbeereedyo leesku heestay in mudo ah taasi oo markii danbe gaartay meel sare.

Wuxuu sidoo kale sheegay in dadaalada haatan ay wadaan masuuliyiinta gobalka ay ka horeeyeen dadaalo nabadeed oo ay wadeen qaar ka mid ah waxgaradka deegaanka.

Salaad Adan Cismaan ayaa rajo wanaagsan ka muujiyay xalinta xiisadaha ka taagan deegaanka Kabxanlay oo ka mid ah deegaanada hoostaga magaalada Baladweyne.

Keydmedia Online xafiiska Muqdisho

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.