KEYDMEDIA ONLINE DIB U HABEYN BAA KU SOCOTA
Cadaawe Cilmi Nuur Gudoomiye ku xigeynka Maamulka gobbolka Hiiraan oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in fatahaadii ka dhacday Baladweyn ay ku barakaceen inka badan 10-kun oo qoys oo u badan dad danyar ah.
"Fatahaada waxay sababtay dhibaato aad u weyn, waxaa barakacay inka badan 10-kun oo qoys, tirada dadka fatahaada ku dhintay waxay kor u dhaafeysaa 23 qof, waxaa sidoo kal ejira xoolo aad u badan oo fatahaada ku dhintay,"ayuu yiri Cadaawe Cilmi Nuur.
Dadkii ka barakacay fataahada ka dhacday Baladweyn ayaa waxaa ay guryo cooshada ah ay ka sameysteen hareeraha magaalada halkaasoo ay ku dhibaateysanyihiin.
Keydmedia Online -Xafiiska, Muqdisho
Add comment
Comments
There are no comments for this entry yet.