Maansada: Dayax Madobaad by Khadijo Ciise

Tixdan “Dayax Madoobaad” waxay soo baxday maalmihii xigay musiibadii Hotel Shaamoow, waxaana ugu baroor diiqayaa, cid kastoo ay waxyeello ka soo gaartay dhibaatadaas, kii ku dhintay ama ku naafoobay iyo kii laga dhintayba.
Warar Keydmedia Online

Waxaan maansadan si gaar ah ugu hibeynayaa Hooyooyinka ku gablamay cadawtooyadaas ee ku waayey carruurtoodii ay jeclaayeen. Waana maanso ka mid ah Diiwaanka deelleyda Qarniga 21aad.
 
Marka hore danguud iyo
Da’yartaa xil garatee
Deelleydan maansada
Dooddeeda furayoow
Horaa looga digayee
Cakuye! doqoni ba’anaa!
Daadxoor u talisiyo
In wax dura ma weydee
Hohe! docadoceyn iyo
Dubaaqooda adakaa!

Markey daallin iyo tuug
Iyo nacab is daawaday
Da’yarteeda dhalatiyo
Doorroonayaashii
Dogobbada u shidi laa
Danabkeeda kacay iyo
Ubadkeeda dooxaan
Ee digasho awgeed
Darxumooyin lagu falo
Misna dibadda loo waro
Wali damac Adduunyiyo
Nolol doonisteedii
Yaan lagaaga darin bey
U dagaal la’aataa!

Mar haddeynaan dedi karin
Ceebahakan daalacay
Haddeeynaan dugsiin karin
Dahabkiyo dhasheennii
Duugoobay sharafkuye
Nolosha maysku duugnaa?!

Intaa duurxulkeygiyo
Waa daah-furkeygiye
Dulucdiyo ujeedada
Halkaan uga dan leeyahay
Durba aan abbaaree
Doorroonahaaygoow
Daruur ii hillaacdiyo
Dabayl caafimaadoow
Intaan diidoleydii
Dhacdadii dorraatiyo
Dibudhacu na saameyn
Dayaxuna madoobaan
Dib u soo xusuustoo
Dugsigiyo tacliintaan
Dildillaaca waagiyo
Kuu diray aroortii
Diiwaannadaadiyo
Qalinkiyo dawaaddiyo
Duruus dhigashadaadii
Fahamkiyo dadaalkiyo
Samirkiyo dulqaadkaad
Da’da kale ku dhaaftoo
Duco iyo ammaanaad
Igu deeqda mooyee
Dood aan necbaystiyo
Marna diiday ima oran!

Dabarkiyo hoggaankeey
Dantu igu adkeysiyo
Waqtigiyo duruufuhu
Marna igumay kaa dirin.

Daaweeyaheeygoow
Dugsi lama huraanoow
Allahayoow daleed iyo
Inaad dibadda meertood
Dalanbaabbi luuddiyo
Maxaan daranya raagtiyo
Diif iyo xanuun iyo
Kuu diiday hadimada.

Maxaan aqal dugsoonoo
Dabayl cudurro keentiyo
Darbad iyo qaboow iyo
Laga daahay iimaha
Dermo kuu firaashoon
Yaanuu dadqaadkiyo
Kuu dhicin dugaaguye
Kaa deyray baallaha!

Duudsiga nin maalliyo
Danta laygu ciiliyo
Dafiraadda nacabkiyo
Daandaansi iyo kibir
Dawdarradu ha joogtee
Dacas iyo harraad iyo
Diihaalka gaajada
Diilalyada habeenkiyo
Dhaxantiyo darrooraha
Dul maxaan u yeeshoo
Allahayoow daraaddaa
Dulmi iyo xumaan iyo
Darxumooyin lay baday
Dib maxaan u kayd saday.

Waase Duniya xaalkeed
Wax isdaba marsiin iyo
Diga rogashadeedee
Roonoow doonisteydiyo
Daal tirashadaadii
Waa daqiiqaddaadiyo
Damaashaadkii raageen
Daahsaday gu’ yaashee
Diirsimaadka noloshiyo
Durdurrada barwaaqada
U dabbaaldeggeennii
Markaan helay digniinaha
Nacabkii ku diirtiyo
Siduu cadawgu kuu dilay
Dawankiyo dhawaaqii
Qalbigeyga dooxiyo
Dareenkii waxyeellada
Dabkii igu baxaayiyo
Doogtiyo xanuunkaan
Tahli waayey daymada
Damaqiyo xusuustii
Halkuu daqarku gaariyo
Deddadiyo qaboowgii
Degdeggiyo hilmaankaan
Daydayey huggeygii
Daalaa dhacaygiyo
Daandaanka socodkaan
Darbiyada ku tiirsaday
Darajooyinkeygiyo
Damaciyo hankaan dhigay
Dibindaabyadoodii
Dib waxay ka noqotaba
Kolleey dawga maantiyo
Da’yrtiyo gugaa xiga
Ka dawoobi maayee.

Inta damacu qaaddiyo
Inta daran kuwa u daran
Damiirlaaweyaashuu
Soo diray Ibliiskiyo
Doorsoomeyaashii
Rabbigeey ma daayee
Kuwa dabinka kuu dhigay
Dacwad weeye Aakhiro
Ogoow dibadda iilkiyo
Intaan dunida joogana
Deyn baan u haystaa.
Dhammaad.
 
Abwaanad: Khadiijo Ciise

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.