Macluusha Soomaaliya oo ka sii dareysa

MUQDISHO(KEYDMEDIA) Xaalada macluusha ka taagan Dalka ayaa ka sii dareysa marba marka ka danbeysa iyadoona dad badan oo ka soo cararay xaalada abaarta ay ku sugan yihiin magaalada Muqdisho.
Warar Keydmedia Online

Caruur badan ayaa u geeriyootay cuduro kale duwan mudadii la soo dhaafay, waxaana taasi loo aaneynayaa heerka macluusha oo koradhay iyo cudurada oo aad u baahay.

Labadii maalmood ee la soo dhaafay Kaamamka ku yaala magaalada Muqdisho cuduro kale duwan waxaa ugu geeriyooday 50 qof ku dhawaad, waxaana iminka la ildaran cuduro kale duwan.

Muuqaalka dadka ay ahaa mid aad looga walaacayo kolka aad eegto, waxaana kuu muuqanaya dhibaato badan oo naxdin leh.

WWW.KEYDMEDIA.NET

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.