Madaafiic ku dhacday qeyba ka mid ah Muqdisho

Waxaa barqanimadii maanta gudaha Magaalada Muqdisho gaar ahaan Degmooyinka Hodan iyo H.wadaag ku dhacay Madaafiic sababtay qasaaro soo gaaray rayid Soomaali ah.
Warar Keydmedia Online

Tani ayaa ka danbeysay kadib markii saakay xarunta golaha Shacabka ay u dareereen mudanayaasha Baarlamaanka oo halkaa kulan ku leh.

Waxaa la sheegay in fadhiga Barlamanka lala bartilmaameedsaday Madaafiic kadibana ay ka dhalatay in jawaabo ay ka bixiyaan ciidamada AMISOM iyo kuwa dowlada.

Hub culus oo u muuqday jawaab isla markaana ku dhacay degmooyinka Hodan iyo H.wadaag ayaa sababay geerida shacab iyo dhaawaca kuwa kale, waxaana la xaqiijiyay in ay geeriyoodeen 3 ruux iyadoona la tilmaamay in 10 kale uu dhaawac soo gaaray.

Madfac ku dhacay isgoyska Bakaaraha ayaa la sheegay inuu ku dhintay hal qof iyadoona ay ku dhaawacmeen todoba kale, waxaana mudadii ay duqeyntaasi socotay hakad uu ku yimid ganacsiga Suuqa Bakaaraha.

www.keydmedia.net

 

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.