KEYDMEDIA ONLINE DIB U HABEYN BAA KU SOCOTA
War kasoo baxay Madasha ayaa lagu sheegay in ay muhiim tahay xalinta tabashooyinka ay qabaan maamulada Jubaland iyo Puntland, oo qaadacay natiijada iyo ka qeybgalka Dhuusamareeb 3.
MUQDISHO, Soomaaliya - Madasha Xisbiyada Qaran, oo kulmisay lix xisbi siyaasadeed ayaa soo dhawaysay heshiiska doorashooyinka ee lagu gaarey magaaladda Dhuusamareeb Shalay, August 21, kaasoo ay ka maqan yihiin Puntland iyo Jubaland, oo qaadacay ka qeybgalka.
Hanaanka doorashadda ee agu heshiiyay waxay Madashu sheegtay inuu yahay tallaabo loo qaadey dhinaca saxda ah, islamarkaana ay si sharuud la'aan ah ku taageertay, balse loo baahan yahay si heshiiska wado-ogol u noqdo in maamullada maqan lagu soo daro.
Waxay ku baaqday in farsamada hanaanka doorashadda la ballaariyo, laguna soo daro xisbiyada siyaasadda iyo bulshadda rayidka, sidoo kalena la xaliyo khilaaf u dhexeeya labada aqalka ee Baarlamaanka, oo la filayo in la horgeeyo heshiiska doorashadda.
Madasha ayaa xustay in loo baahan yahay midnimo iyo wadashaqeyn looga gudbo marxalada kala-guurka, loona qabto doorasho ku dhacda waqtigeeda si nabdoon, xor iyo xalaal ah, taasoo ka tarjumeysa rabitaanka shacabka.
KEYDMEDIA ONLINE
Add comment
Comments
There are no comments for this entry yet.