KEYDMEDIA ONLINE DIB U HABEYN BAA KU SOCOTA
Howlgalka ayaa laga fuliyay tuulo ku taalla xuduuda kala qeybisa gobollada Shabeellooyinka, gaar ahaan meel ku dhaw degmada Balcad, oo qiyaastii 30-KM dhanka waqooyi uga beegan Muqdisho.
MUQDISHO, Soomaaliya - Abdiraxmaan Cabdalla [Abu Ayman] oo Kooxda Al-Shabaab u qaabilsanaa qeybta maaliyadda gobollada Shabeellooyinka ayaa ku dhintay howlgal DANAB ka fulisay tuulo ku taalla duleedka degmada Afgooye Maanta oo Sabti ah.
Xubno kale ayaa lagu dilay dagaalka, kuwaasoo la shaqeynayay Abu Ayman oo dadka xoolo dhaqata iyo beeralayda lsi qasab ah uga qaadi jiray lacago canshuur lagu tilmaamay, waxaana dilkiisa yimid kadib markii lagu wargeliyay DANAB halka uu ku sugan yahay.
KEYDMEDIA ONLINE
Add comment
Comments
There are no comments for this entry yet.