Madaxtooyada oo ka warbixisay xaaladda caafimaadka MW JFS

Afhayeenka Madaxtooyada Soomaaliya Cabdikariin Cali Kaar oo gudaha Madaxtooyada kula hadlay Warbaahinta ayaa ka warbixiyay markii ugu horreysay Xaaladda Caafimaad ee Madaxweyne Xasan Sheekh.

Warar Keydmedia Online
Madaxtooyada oo ka warbixisay xaaladda caafimaadka MW JFS

MUQDISHO, Soomaaliya – Madaxtooyada Soomaaliya ayaa ka war bixisay xaaladda caafimaad ee Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo 24 June 2022, laga halay caabuqa COVID-19, kadib markii uu ka soo laabtay booqasho uu ku tagay dalka Imaaraadka.

Afhayeemka Madaxweynaha Cabdikariin Cali Kaar, oo shir jaraa’id ku qabtay Xarunta Madaxtooyada, ayaa sheegay in xaaladda caafimaad ee Madaxweyne Xasan Sheekh ay tahay mid wanaagsan, isla-markaana uusan wax saameyn ah ku yeelan Fayruska COVID-19.

“Madaxweynu wuxuu si caadi ah u wataa shaqadiisa qaran, isagoo raacaya talooyinka iyo habraacyada bahda caafimaadka ee la xariira COVID-19, waxaana berri laga qaadayaa baaritaan la xariira Fayruska si loo hubiyo hadduu is-baddel jiro”. Ayuu yir Kaar.

Dhanka kale Afhayeenka ayaa intaa ku daray in dowladdu wax ka bedeshay habkii loo xusi jiray munaasabadaha toddobaadka Xoriyadda oo hore loo qaban jiray Xafladdo waaweyn balse sanadka loo bedelay in loo gurmado Shacabka Soomaaliyeed.

Shirka Jaraa’id ee Villa Soomaaliya ayaa ah midkii saddexaad oo ay ugu yeereen xog siinta saxaafadda, si dadka Soomaaliyeed u helaan xogaha ku gadaaman Madaxtooyada, Cabdikariin Cali Kaar, ayaa hore u ballaan qaaday in xog siinta la joogteyn doono.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.