Madaxweynaha iyo James Swan oo kulmay

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan la yeeshay wakiilka gaarka ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Ambassador James Swan. 

Warar Keydmedia Online
Madaxweynaha iyo James Swan oo kulmay

MUQDISHO, Soomaaliya- Kulanka oo saacado qaatay ayaa diirada lagu saaray arrimo kala duwan oo ay ugu horeyso hagaajinta nidaamka dowladnimo ee Soomaaliya, kaas oo sidii hore aanan ahayn 5-tii sano ee uu Farmaajo joogay.

Danjiraha ayaa madaxweynaha sidoo kale ugu hambalyeeyey guushiisa, isagoo ka dalbaday inuu xoogga saaro sidii loo mideyn lahaa shacabka Soomaaliyeed.

Kulanka ayaa waxyaabihii looga hadlay waxaa ka mid ahaa, sidii ay Qaramada Midoobay usii wadi lahayd taageerada ay siiso Soomaaliya, taas oo uu gaabis ku yimid muddadii uu madaxtooyada joogay Farmaajo.

Qaramada Midoobay ayaa Soomaaliya ka taageerta arrimo kala duwan, waxaana is-baddelka dhanka hoggaanka ee yimid uu fududeyn doonaa sidii ay kaalmadaasi usii socon lahayd.

Doorashooyinkii daahay ee dalka ayaa sababay, in ay yaraanto kalsoonidii ay beesha caalamka ka qabtay dib u dhiska Soomaaliya.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.