Madaxweynaha oo u duulay Baydhabo

Muqdisho (KON) - Madaxweyne Xasan Sheikh Maxamuud ayaa dhawaan ka duulay Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho, asigoo u socda Magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka Baay.
Warar Keydmedia Online

Wafdi uu Hogaaminayo Madaxweynaha oo uu kamid yahay Wasiir ku-xigeennada Aminga, Arrimaha gudaha iyo ayaa Maanta gaaraya Magaalada Baydhabo.

Aabaabul xooggan ayaa laga dareemayaa Magaalada Baydhabo, waxaana la xoojiyay Ammniga Dariiqyadda, oo Magaalado dhan waxaa lagu arkayaa Ciidamo. Sidoo kale waxaa xiran Waddooyinka muhiimka ah ee magaalada Baydhabo.

Xafiiska Madaxweynaha ayaa sheegay in Madaxweynaha uu Baydhabo kula kulmi doono Qaybaha kala duwan ee Bulshada "Ujeedada ugu weyn ee safarka madaxweynaha (...) ayaa ah sidii loosoo afjari lahaa khilaafka siyaasadeed ee degmada Baydhabo ka aloosan".

Wali ma cada in Madaxweynaha uu la kulmi doono Madaxweynaha Maamulka Saddexda Gobol ee Koofur Galbeedka Soomaaliya.

Wixii Faahfaahin ah kala soco Keydmedia.net

Keydmedia Online - Xafiiska Baladweyne

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.