Madaxweynaha Soomaaliya oo qudabad ka jeediyay shirka Tana

Muqdisho (KON) Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta qudbad ku aadan dhanka amaanka ka jeediyay furitaanka Shirka Tana Forum.
Warar Keydmedia Online

 

Madaxweynaha waxaa kala qeyb galayo shirkan R/wasaare ku Xigeenka ahna Wasiirka Arimahha Dibadda Marwo Fowsiya Yuusuf  Xaaji Aadam iyo Wasiirul Dowlaha Madaxtooyadda Mudane Faarax Shiiq C/Qaadir.

Mudane Xasan Sheekh Maxamuud Madaxweynaha dalka oo hadal ka jeediyay kulanka ayaa yiri “Afrika waa in ay kalsooni muujiso una istaagto ka hor-tagida danbiyadda qorsheysan, Danbi waa danbi cid walbo oo geysato waa isla mid Qiil ma leh, waana in lagula dagaalamo qaab militari iyo qaab siyasadeed.”

Madaxweynaha oo hadalkiisa sii wato ayaa yiri “ Waxaan aaminsanahay in dhamanteen  amnigeena guud uu ku jiro deris nabad iyo amni wanaagsan leh Anaga deris-keena wuxuu isku haleyn karaa Soomaaliya oo nabad iyo amni ah.”

“Waxaan ognahay in Burcad badeeda ay dhaqaalaha aduunka wax u dhintay, Beesha Caalamkana waxey wadaan ka hortagidda Burcad Badeedda Laakin waxaa muhiim ah in la ogaado in arinkaas uu suurta gal noqon karin haddii aan la helin Soomaaliya oo nabad ah” Ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh.

Ugu danbeyntii, Madaxweynaha ayaa kula dar-daarmay madaxda Afrika in Afrika ay masuuliyad iska saarto amnigeeda. Dowladda Soomaaliyana ay dadaal ugu jirto in amnigeeda gudaha sugto taasna ay dowladda  u tahay muhiimaddeeda Kowaad.

Keydmedia Online Xafiiska Muqdisho

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.