Madaxweynaha Xasan oo ka hadlay Cuna qabataynta Hubka

Muqdisho (KON) Madaxweynaha Soomaaliya ayaa ka hadlay shirmadaxeedka Midowga Afrika ee ka furmay magaalada Addis Ababa ee Dalka Itoobiya, wuxuuna soo hadal qaaday arimo badan.
Warar Keydmedia Online

 

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sheegay in loo baahanyahay in Soomaaliya laga qaado cunaqabataynta xaga hubka ah ee saran Soomaaliya, maadaama ay dowlada wajahayso culeesyo badan.

Xasan Sheekh Maxamuud ayaa madaxda Afrika ugu baaqay in ay taageeraan dowlada Soomaaliiya, wuxuna tilmaamay in haatan Soomaaliya ay ku soo laabatay halkeedii hore.

“waxaa loo baahanyahay in la gacan qabta Soomaaliya, maxaayeelay Soomaaliya waxay la mitahay ilmo yar oo hada soo koraya”sidaasi waxaa yiri madaxweynaha Soomaaliya.

Xasan Sheekh Maxamuud ayaa wuxuu soo hadal qaaday qaxootiga Soomaaliya ee laga soo celinayo wadanka Kenya wuxuuna ku baaqay in arintaasi loo saaro gudi ay ku jiraan hay’adaha caalamiga ah.

Keydmedia Online Xafiiska Muqdisho

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.