KEYDMEDIA ONLINE DIB U HABEYN BAA KU SOCOTA
Hadalkii ugu horreeyey ayuu jeediyey Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, tan iyo weerarkii Al Shabaab ka geyteen hotel Hayat jimcihii aynu ka soo gudubnay.
MUQDISHO, Soomaaliya- Madaxweynaha dowlada fedraalka Soomaaliya, ayaa caawa ka hadlay dagaalka ay dowladiisa kula jirto Al Shabaab iyo weerarkii ay dhawaan ka geysteen hotel Xayat.
Xasan Sheekh ayaa sheegay in dowladiisa ay ka go'an tahay la dagaallanka argagixisada, gaar ahaan kooxda Al Shabaab, oo uu ku tilmaamay kuwo u bareeray daadinta dhiiga dadka rayidka ah.
Madaxweynuhu wuxuu xusay, in aan loo dulqaadan karin, in Shabaab la siiyo dhaqaale, loona doonta caddaalad, isagoo ku tilmaamay in xalkoodu yahay in la dabar gooyo.
Xasan Sheekh, wuxuu sidoo kale xusay in dadka rayidka ay yihiin kuwa ugu nugul weerarada Al Shabaab, waxaana had iyo goor ka soo gaara khasaare lixaad leh, iyagoo ku waaya kuwii ay jeclaayeen.
Madaxweynuhu wuxuu garab istaag ka dalbaday Shacabka, isagoo u mahad celiyey ciidamada gobollada qaar kula dagaallamaya kooxda Al Shabaab, isagoo si cad u sheegay in dowladiisa ay xoogga saari doonto cirib-tirka kooxdan argagixisada ah.
KEYDMEDIA ONLINE
Add comment
Comments
There are no comments for this entry yet.