KEYDMEDIA ONLINE DIB U HABEYN BAA KU SOCOTA
Su’aal madaxweynaha laga weeydiiyay Doorka IGAD ee maamul u sameynta gobolada Jubbooyinka ayaa qeexay in Urur Goboleedka IGAD wax shaqa ah aysan ku lahayn Maamul loo dhiso Goboladaas.
Xasan Shiikh maxamuud ayaa sheegey in arrinta maamul u samaynta goboladaas ay tahay mid u taala dawladda Soomaaliya balse ay soo dhaweynayaan ciddii gacan ka siinaysa Soomaaliya sidii halkaas looga dhisi lahaa maamul Goboleed.
Madaxweynaha dawladda federaalka Soomaaliya ayaa xusay in Soomaaliya ay Xubin ka tahay URUR Goboleedka IGAD isla markaana uu kala dhaxeeyo Xiriir wada shaqeeneed hase yeeshee arrimaha Siyaasadda Soomaaliya ay tahay mid u gaar ah Xukuumadda Soomaaliya.
Hadalkan madaxweynaha dawladda federaalka Soomaaliya ayaa imaanaya xilli si weyn loo hadal hayo in Urur Goboleedka xiligan uu ku hawlan yahay sidii maamul Goboleed loogu dhisi lahaa Gobalada Jubbooyinka.
Xasan Shiikh Maxamuud oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay in iminka ay soconayaan dadaalo lagu doonayo sidii maamulkaas loo dhisi lahaa arrintaasna ay gacanta ku hayaan Dadka ka soo jeeda Goboladaas iyadoo xukuumaduna ay Muraaqibaynayso hawlaha maamul loogu samaynayo Gobolada Jubbooyinka.
Si kastaba waxaa maalmihii danbaba soo baxayay warar sheegaya in Urur Goboleedka IGAD uu si weyn ugu hawlan yahay sidii Maamul loogu dhisi lahaa Gobalada Jubbooyinka oo dhawaan Ciidamada dawladda Raas kaanbooniyiinta iyo Amisom ay kala wareegeen kooxda al Shabaab oo iyadu halkaa hore uga arrimin jirtay.
Wadanka / Keydmedia Online - Xafiiska Nairobi
Add comment
Comments
There are no comments for this entry yet.