Madaxweyne Xasan oo shir kaga qaybgalaya Ethiopia

Muqdisho (KON) Madaxweynaha dowlada federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa ka degay magaalada Bahar Dar, ee dalka Ethiopia si uu uga qeyb galo furitaanka Shirka Tana Forum.
Warar Keydmedia Online

 
Madaxweynaha waxaa safarkaan ku weheliyo Raysal wasaare ku xigeenka ahna wasiirka arimahha dibadda Fowzia Yusuf Haaji Adam, iyo wasiirul dowlaha Madaxtooyadda Faarax Sh. C/qaadir.

Shirkaan ayaa waxaa diiradda lagu saari doonaa arrimaha amniga ee Qaaradda Africa iyo sidii looga hortagi lahaa amni daradda ka taagan Qaaradda.

Madaxweynaha ayaa waxaa lagu wadaa in uu qudbad ka jeediyo kulankaan, oo ay isugu imaan doonaan madaxda dalalka Afrika iyo hey’adaha daneeyo Amniga.

Kulankaan ayaa ku soo adaya xili dowlada Soomaaliya ay wajahayso dagaalo xoogan oo ay kula jirto kooxda Al-Shabaab ee xiriirka la leh kooxda Al-qaacida.

Keydmedia Online xafiiska Muqdisho

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.