Madaxweyne Xasan Sheekh oo Hambalyo u diray Madaxweyne Obama

Muqdisho (KON)- Warsaxaafadeed ka soo baxay xafiiska Madaxweynaha Soomaaliya Madaxweyne Xasan shiiq Maxamuud ayaa waxaa loogu hanbalyeeyay Madaxweyne Obaama oo guul ka gaaray maalintii shalay ahayd doorashada ka dhacday dalka Mareykanka oo u dhaxeysay Obaama iyo Musharaxa Mitromney.
Warar Keydmedia Online

“Anigoo ku hadlaya magaceyga iyo guud ahaan dowlada wadanka Soomaaliya waxaan aad ugu farax sanahay uguna hanbalyeynayaa Madaweynaha Mareykanka oo marlabaad qabtay xilka Madaxtinimada dalka Mareykanka,waxaana kuu rajeynayaa guul iyo horumar hor leh,sidaasi waxaa yiri”,Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Shiiq Maxamuud

Sidoo kale Madaxweynaha Soomaaliya oo ku dheeraaday u hanbalyeynta Madaxweyne Brack Obaama ayaa dhanka kale waxa uu sheegay in shacabka Mareykanka uula qeybsanaayo farxada iyo damaashaadka ay ku jiraan oo ku aadan in marlabaad uu xafiiska ku soo noqdo Madaxweyne Barak Obaama.

Warsaxaafadeedkaan ka soo baxay xafiiska Madaxweynaha Soomaaliya ayaa imaanaya iyadoo markale maalintii shalay ahayd doorasho ka dhacday Mareykanka uu ku guuleystay Obaama,iyo sida lagu sheegay warsaxaafadeedka wada shaqeyn iyo xariir saaxiibtinimo ka dhaxeeya Dowlada Soomaaliya Iyo Mareykanka.

Keydmedia Online -Xafiiska, Muqdisho

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.