KEYDMEDIA ONLINE DIB U HABEYN BAA KU SOCOTA
Madaxweynaha ayaa walaac ka muujiyay howlaha Cidamada Kenya ay ku joogaan magaalada Kismaayo.
“Ma doonayno inaan eedeyno Kenya, laakiin ciidamadooda qaybta ka ah howgalka Midowga Afrika ee AMISOM waxay u dhaqmeen si xun, waxayna ka baxeen xadkii waajibaadkooda shaqo” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sheegay in Dowlada Soomaaliya ay u dulqaadan karin faragelinta Ciidamda Kenya.
Waa markii ugu horeysay uu Madaxweynaha Soomaaliya si toosa uga hadlo Dowlada Kenya iyo Ciidamadeeda.
Dhanka kale, Madaxweynaha ayaa ka hadlay Kooxda Axmed Madoobe, wuxuuna sheegay in ay suurtagali karin in Hal Koox ay dhisato Maamul ay gaar u leeyihiin.
“Kooxaha Kismaayo ku sugan ee qaatay go’aanka dhankooda keliya ah waa Soomaali, aragti ayay leeyihiin, innagu waan xushmeynaynaa aragtidoodaas marka aan aragno, laakiin arrintan aad muhiimka u ah waa in maanta ay Soomaaliya ka jirto dowlad federaal ah, taasoo ay leeyihiin Soomaalida oo dhan”
Keydmedia Online - Xafiiska Nairobi
Add comment
Comments
There are no comments for this entry yet.