KEYDMEDIA ONLINE DIB U HABEYN BAA KU SOCOTA
Madaxweyn Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdiga balaaran uu hogaaminaayey ayaa dib ugu soo noqdey Caasimada Muqdisho kadib markii ey soo mareen Wadamada kala ah Jabuuti iyo Itoobiya.
Intii Madaxweyne Xasan Sheikh uu ku sugnaa Dalka Jabuuti ayaa Saxaafada waxaa lasoo gaarsiiyay War sheegaya inuu Madaxweynuhu Safar ku tagi doono Dalka Itoobiya kadibnah uu Safarkiisa sii wadan doono kuna tagi doono Dalka Kenya Caasimada Nairobi halkaas oo la filayay inuu la kulmi doono dhigiisa Kbaki.
Keydmedia waligeed masoo qorin Madaxweynaa dhoofay, Wasiir baa yimid ee waxey Arintaaan usoo qaadatay Sababta ku kaliftay in Madaxweyne Xasan Safarkiisi uu ku tagi lahaa Dalka Kenya hakad Siyaasadeed ku yimid.
Xanta Siyaasadeed waxey shegeysaa in uu jiro Khilaaf u dhaxeeya Dowlada Soomaaliya iyo tan Kenya oo la xariira Ciidamo beleedka ey Kenya Garabka kusoo xambaaratay oo ey doneyso iney ayagu Kismaayo ka taliyaan. Dowlada Soomaaliyanah waxey daneyneysay in Dadka Dagaanka Jubbooyinku ey sameestaan Maamul ay ayaga u dhanyihiin oo ayaga u dhasha ee uusan noqon mid Kenya ee Dadka Dagaanka farta ugu yeeriso.
Sidoo kale markuu Madaxweynahu garoonka Aden Cade kasoo dagay ma jirin wax War-Saxaafadeed ah oo la xariira Arintaas.
Wixii soo kordha kala soco Keydmedia Online
Keydmedia Online – Xafiiska Muqdisho
Add comment
Comments
There are no comments for this entry yet.