Sheekh Shariif oo gaaray Jowhar

Madaxweynihii hore ee dowladdii Kumeel Gaarka mudane Shariif Sheekh Axmed ayaa gaaray xarunta dowlad goboleedka Hirshabeelle ee Jowhar

Warar Keydmedia Online
Sheekh Shariif  oo gaaray Jowhar

JOWHAR, Soomaaliya - Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ahna musharax Madaxweyne 2021 ayaa gaaray saacado kahor xarunta dowlad goboleedka HirShabeelle ee Jowhar, iyadoo lagu soo dhaweeyay garoonka diyaaradaha.

Socdaalkiisa ayaa ku soo aaday xilli lagu guda jiro dhismaha maamulka cusub ee dowlad Goboleedka HirShabeelle, iyadoo la dhaariyay Xildhibaanadii baarlamanka 2-aad, sidoo kalena waxaa dhawaan la dooran doono Guddoonka Baarlamaanka, Madaxweynaha iyo kuxigeenkisa

Lama oga sida uu saameyn ugu yeelan karo doorashada, iyadoo la rumeysan yahay in dowladda Federaalka ay dadaal ugu jirto sidii dad ay wadato uga soo bixi lahaayeen maamulkaas.

Sheekh Shariif oo kamida dadka ka biya-diidsan nidaamka madaxweynaha talada haya ee Farmaajo ayaa waxa uu kamid yahay ragga ugu cad-cad ee ku jira tartanka madaxtinimo ee Soomaaliya February 2021 la filayo in ay ka qabsoonto Soomaaliya.

Ololaha murashaxiinta u tartamaya kursiga ugu sarreeya Soomaaliya ayaa ka billowday dalka dibaddiisa, waxaana madaxda intooda badan ay waqti ku bixiyaan in ay howlahooda la xiriiria ololaha doorashada kasoo billaabaan dalalka dariska, sida Kenya Jabuuti iyo dalal kale oo ka baxsan qaaradda Afrika.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.