KEYDMEDIA ONLINE DIB U HABEYN BAA KU SOCOTA
Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug Axmed Qoorqoor ayaa noqday madaxweynihii ugu horreeyay ee soo gaaray magaalada Muqdisho si uu uga qeyb galo shirka looga hadlayo arrimaha doorashooyinka
MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi kaariye Qoorqoor iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa caawa soo gaaray Magaalada Muqdisho.
Madaxweynaha ayaa Muqdishu soo gaaray kadib casuumaad kaga timid Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xil gaarsiinta Dowladda Soomaaliya, waxa uuna ka qeyb gali doonaa Shirka Wadatashiga qaran oo lagu wado inuu ka furmo magaalada Muqdisho.
Madaxweynayaasha dowlad goboleedyada kale ee ka qeyb galaya shirka ayaan weli soo gaarin magaalada Muqdisho, inkastoo qorshuhu ahaa in kahor 20 -ka bisha ay soo gaaraan magaalada caasimadda ah ee Muqdisho si uusan dib ugu dhicin shirka oo la saadaalinayo in ay natiijo fiican ka imaan doonto.
KEYDMEDIA ONLINE.
Add comment
Comments
There are no comments for this entry yet.