“Madaxweynow laguwada amaani maayee ayaan laguwada cayin”!!! // Warbixin

Muqdisho (KON) Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xaflad soo dhaweyn ah loogu sameeyay mgaalada London ee dalka Uk taasi oo ay soo qaban qaabiyeen jaaliyada Soomaalida ee magaaladaasi London.
Warar Keydmedia Online

 

Xaflada oo aheyd mid aad uqurux badan ayaa Madaxweynaha Soomaaliya iyo wasiirka arimaha dibada dalka Soomaaliya iyo masuuliyiin uu kamid yahay guddoomiyaha gobalka Banaadir ay ka qeybgaleen.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Maxamuud Axmed Nuur “Tarsan” oo munaasabada hadal ka jeediyay ayaa ka hadlay xaalada magaalada Muqdisho wuxuuna tilmaamay in Muqdisho haatan ay tahay mid amaan ah ayna Soomaalida Qurba joogta ah ay ku soo qulqulayaan.

Guddoomiyaha gobalka Banaadir ayaa sheegay in magaalada Muqdisho ay ka kacday meeshii 22-sano kahor ay mareysay iminkana ay tahay magaalo barwaaqo iyo rayn rayn ku tilaabsatay.

Wiil yar oo lagu magacaabo Anas C/kariin ayaa soo jeediyay tixgabay ah kadib madaxweynaha Soomaaliya ku yiri “Nin lagu seexdood ha seexan xilbaad sidaa ha seexan,Madaxweynoo laguwada amaani maaye yaan laguwada caynin

Intaasi kadib Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo khudbada dhankiisa lagu soo dhaweeyay ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya marwaliba caalamka ay garab taagan tahay balse loo baahan yahay shacabka Soomaaliyeed inay dhistaan dowlad wanaagsan.

Madaxweynaha dalka Soomaaliya ayaa sheegay in dowladnimo ay qiimo kuleedahay shacabka Soomaaliyeed dhexdeeda,isaga oo sheegay Madaxweynaha in wax waliba uu ammaanka ugu qiimo badan yahay hadii aan amni lahelina waxba lama helayo.

Jaaliyada Soomaalida ee soo qaban qaabisay xaflada quruxda badan ee Madaxweynaha dalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud lagu soo dhaweeyay ayaa waxa kusoo dhamaatay jawigii loogu talo galay.

Keydmedia Online Xafiiska Muqdisho

 

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.