Maddaalow $1000 masaakiinta Muqdisho ma qabto!

Waxaa 9 Dec.2019 lagu saxiixay Washington- USA, Heshiis lagu horuumarinayo Magaalooyinka, Mogadishu, Garowe, Kismayo iyo Baydhabo, waxaana ku baxeyesay 50 Million Dollar oo ka timid Mashruuca (The Somali Urban Resilience Project ( SURP), iyo 62 Million Dollar oo ka timid IDA , wadar ahaan waa 112 Million  Dollar. Waxaa kale oo Maalgalintaa la marsiinayay ( The Somali Multi-partener Fund ( SMPF).

Warar Keydmedia Online
Maddaalow $1000 masaakiinta Muqdisho ma qabto!

Inta badan Guddoomiyayaasha degmooyinku marka ey cusubyihiin waxa ey amraan bixinta lacag cusub oo degmada wax loogu qabanayo, muddadii ayaana ka dhamaato iyada  oo aan wax la qaban, kan ku xigo ayaa hadana na amro bixinta.

Guriga aan ka degganahay degmada Wadajir  maanta waxaa lagu soo qoray in la bixiyo 1000 Dollar  taa oo ka badan kirada aan bishii bixiyo ee aan siiyo Milkiilaha, Lacagtaa oo la leeyahay waxaa lagu sameeynaa waddooyinka biyuhu xireen ee Degmada.

Iyada oo weliba loo qabtay in lagu ku bixiyo muddo 5 cisho ah, haddii lagu bixi waayana ciqaabu ka dhalan doonto.

Waan bixinnaa cashuurtii caadiga aheyd, weliba markii la soo magacaabay Duqa cusub,  Madaale, isaga oo dadka u naxariisanaa, waxaan maqlay in uu yiri; “ilaa sanadka cusub wax  cashuur ah  dadka   loogama  qaadi karo si horuumaris ah”, ileeyn tii Sanadkaan hore ayeey  u  bixiyeene.

Waddo waa u baahanahay, waxaase nooga muhimsan Nabadgalyadii aan ku mari laheeyn Waddadaa.  In marka hore Degmadu ey  nabad nooga dhigto. Nabadgalyo xumida  guud waxaan la qabnaa Magaalada, Laakin, Xaafaddeenna  waxaa joogo Kooxo la magac baxay "Gangs" , oo ilaa Sideed nuuc ah, Xaafaduhuna u kala xiran yihiin oo kooxiba dhinac sheegato.

Tusaale: Fiiri, waxa ku qoran Darbiga Guriga aan deganahay, Deriska iyo Xaafadduna waa ila mid. (  F.S: 3- 7aad )

Reer Wadajir ahaan waan u baahanahay in la  sameeyo Bulaacado Biyaha qaado, waa Mashruuc weyn oo ey aheyd in Wasaaradda Howlaha Guud, Gobalka iyo Deeq bixiyayaashu iska kaashadaan. Deegaankuna wixii tabartiisaa iyo Xoogiisa uu uga qeyb galo.

Markii la dhagax dhigayay Mashruucaan  wax looga qabanayo Biyaha Wadooyinka naga xiray, Xaafad ahaan waan soo dhaweynay Duqii hore ee Magaalada iyo Madaxdii Gobalka, waxa eyna noo sheegeen in iyagu ey bixinayaan  kharajka oo aan wax nalaga rabin.

Waxaa kale oo aan ognahay in ey jirto Lacago Deeq bixiyayaashu ugu tala galeen kaabayaasha Magaalada iyo  arrimahaan oo kale in wax looga qabto. Tusaale:

Waxaa 9 Dec.2019 lagu saxiixay Magaalada Washington- USA, Heshiis lagu horuumarinayo Magaalooyinka,  Mogadishu,  Garowe, Kismayo iyo Baydhabo. Waxaana ku baxeyesay  50 Million Dollar oo ka timid  Mashruuca ( The Somali Urban Resilience Project ( SURP), iyo 62 Million Dollar oo ka timid IDA , wadar ahaan waa 112 Million  Dollar. Waxaa kale oo Maalgalintaa la marsiinayay ( The Somali Multi-partener Fund ( SMPF).

Waxaa kale oo jirtay in " Horn of African Infrastructure" laga sugayay 5 Million Dollar oo dheeri ah.

Dowladda Hoose ee Mogadishu qoondadeeda waxa ey u kala qeybsatay Afar: 1. Infrastructure. 2. Capacity Building. 3. Operation & Maintenance. 4. Project Management. Si loogu horuumariyo Baahida Dadka ku nool Magaalada Mogadishu.

Dhinaca kale  Dowladda Jarmalku iyada oo sii marsiinee Bangiga Horuumarinta KFW waxa ey  ku caawisay  MPF Lacag ku dhaw 52 Million  Dollar oo loogu talagalay kaabayaasha Magaalada "Urban infrastructure".

Lacagahaas wax lagu qaban waayay miyaa lagu qaban karaa Lacag yar oo laga soo ururiyay Jeebka Masaakiinta Wadajir.

Sharci ma u leedahay Degmo in ey go'aamiso Cashuur. Haddii Cashuur cusub la sharciyeynayo, waa in ey martaa, Wasaaradda Maaliyadda, Golaha Wasiirada iyo Golaha shacabka.

Haddii Degmadu u baahato wax yar oo tabaruc ah oo aan Cashuur aheyn, oo Dadka wax loogu qabanaa waa in ey Dadka deegaanka u yeertaa kala tashataa tabartooda, haddii ey diidaanna laguma khasbi karo.

U maley maayo in Shaqaalaha Degmada uu ku jiro Qof 1000 Dollar Mushaar u qaato, Dadkuna waa idinka sii liitaan, Dadka  Kirada Bixiyana waxaa ku sii kordhayo kiradii, taasina waxa ey Dhalinee Nabadgalyo Xumo ka timaad dhinaca Dhaqaalaha.

Anniga iyo Deriskuba waa yaabannahay, nalagalama tashan awooda Jeebkeena, Dadka Deegaankana  Nolol Maalmeedkii ayaa Ciriiri uga jiro. Sidaa Darteed waxaan ka Codsaneynaa Maamulka Degmada iyo Kan Gobalku iyaga oo tix galinayo  Sharci ahaan shaha, Culeeyska Lacagta, iyo Xaaladda Dhaqaale ee Dalka ka jirto in Go'aankaa 1000 Dollar ah laga dhaafo Dadka.

Guud ahaan Dadka Magaalada Mogadishu yaan la saarin Culeeys ka badan Awooddooda Dhaqaale.

Prof Yahya Amir; Bare Jaamacadeed.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.