Madoobe: “Wax diinta lid ku ah lama hor keenayo BFS”

Aadan Madoobe oo ka hadlay furitaanka kulanka wadajirka labada Aqal ee BFS kaas oo looga hadlayay Miisaaniyadda Dowladda ee 2023 ayaa sheegay in uusan marnaba aqbali doonin in Baarlamaanka la hor keeno wax ka soo hor jeeda diinta Islaamka.

Warar Keydmedia Online
Madoobe: “Wax diinta lid ku ah lama hor keenayo BFS”

MUQDISHO, Soomaaliya - Guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo maanta shir guddoomiyay kulanka wadajirka ah ee labada Gole ee Baarlamaanka JFS  ayaa markii ugu horreysay ka hadlay, hadal ku faafay baraha bulshada.

Aadan Madoobe ayaa sheegay in Guddoonku uu ku baraarugsan yahay hadal heynta ka dhalatay waxa loogu yeeray xeerka Jinsiga oo maalmihii la soo dhaafay si weyn loo hadal hayay, isla-markaana ay Gaddoomiye ku xigenkiisa Sacdiyo sheegtay in ay meel marineyso.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka wuxuuna tilmaamay in Baarlamaanka Soomaaliyeed aan la horkeeni doonin wax ka hor imaanaya Diinta Islaamka, isla-markaana Dastuurka dalka u yaalla uu dhigayo in aan waddanka lagu faafin karin diin aan ahayn midda Islaamka.

“Maanta labada Aqal waan fadhinaa mid-baan idin caddeyneynaa oo idin ballan-qaadeynaaa wax Diinta Islaamka waafaqsaneyn, Dastuurkeena iyo shuruucda dalkana aan waafaqsaneyn inta aan qabano ma idin horkeeneyno” ayuu Sheekh Aadan Madoobe.

Hadalka guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa imaanaya xilli ku xigeenka 1-aad ee golaha Xildhibaan Sacdiya Yaasiin dhawaan ka dhawaajisay hadallo caro badan abuuray oo ay ugu ololeeneesay meel marinta sharciga jinsiga oo horey baarlamaankii hore u diideen.

Shircigaan ayaa la sheegay in ay ku jiraan qodobbo ko hor imaanaya Diinta Islaamka, kaas oo Xukuumaddii uu Hooggaaminayay Ra’iisul Wasaarihii hore Xasan Cali Kheyre ay hor geesay Baarlamaankii 10aad, balse ay diideen guddoonkii Baarlamaanka ee xilligaas.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.