KEYDMEDIA ONLINE DIB U HABEYN BAA KU SOCOTA
Axmed Madoobe oo Warbaahinta la hadlay Maantay ayaa sheegay in uusan ka Qeybgali doonin Shirka dib-u-heshiisiinta Jubbooyinka ee Muqdisho.
"Kama Qeybgali doono Shir Anaga na quseenin, Shirka waa in uu ka dhacaa Kismaayo..." Ayuu yiri Axmed Madoobe.
Madoobe ayaa sheegay in heshiiskii dhex maray Maamulka KMG ah ee Jubba iyo dowladda federeraalka ah ee Soomaaliya uu dhigayay in madaxda maamulkiisu ay tagaan Muqdisho, taasoo ay fuliyeen, kaddibna shir dib u heshiisiineed lagu qabto magaalada Kismaayo.
Axmed Madoobe iyo Dowladda ayaa Addis Ababa ku heshiiyay in Shir Dib u heshiisiineed lagu qabto Caasimadda, loogana hadlo sidii loo heshiisiin lahaa Qabiilada daga Deegaankaasi.
Dowladda Federaalka ayaa 21-da bishan ku qaban doonto Magaalada Muqdisho Shirka dib-u-heshiisiinta Jubbooyinka oo lagu kala saxiixday Magaalada Addis Ababa.
Dowladda ayaa saddexdii bishan dib u dhigtay shirka dib u heshisiinta Jubbooyinka oo shanta bishan la filayay.
Keydmedia Online - Xafiiska Muqdisho
Add comment
Comments
There are no comments for this entry yet.