KEYDMEDIA ONLINE DIB U HABEYN BAA KU SOCOTA
Shacabka ku dhaqan caasimadda Soomaaliya ayaa ka cabanaya, dayacaadda uu Maamulka Goboolka Banaadir, ku hayo Magaalada Muqdisho.
MUQDISHO, Soomaaliya - Maamulka Gobolka Banaadir, ayaa u muuqada kuwo aan dan ka lahayn nadaafad-darrada ka jirta Magaalada Muqdisho, taas oo sababi karta cudurro iyo caafimaad darro hor leh oo ku habsada dadka danyarta u badan ee ku dhaqan Caasimadda.
Duqa Muqdisho iyo guud ahaan Guddoomiyayaasha degamooyinka Gobolka Banaadir, ayaa indhaha ka daawanaya, qashinka daadsan waddooyinka, dhiiqada iyo biyaha meel kasta yaala ee roobabku sababeen, kuwaas oo ay caan ku noqotay caasimaddu.
Inta badan dhuumaha qaada qashinka, (Bullaacadaha) ayaa xiran, taas oo sababtay in biyaha roobku dhiiqo ka dhigaan magaalada oo dhan.
Qaar ka mid ah xaafadaha Magaalada ayaa qarka u saran in guud ahaan shacabku faarujiyaan, kadib markii loo adkeysan waayay urka biyaha yaalla xaafadaha dhexdooda muddo dheer.
Degmooyinka Yaaqshiid, Boondheere, Hodan, Holwadaag, Wadajir, Waabari, Kaaraan iyo kuwo kale ayaa dhamaantood lagu arkayaa goobo aan la agmari karin oo urka biyaha yaalla uu gaarayo degmooyin kale.
Miisaaniyadda sanadka 2021 ee gobolka Banaadir ayaa lagu sheegay $36,857,503.00, iyadoo ay ansixiyeen 62 ergo oo ka kala socotay qeybaha kala duwan ee Maamulka Gobolka Banaadir heer degmo iyo heer Gobol.
Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Bayle, ayaa dhawaan sheegay in ku dhawaad 15 Milyan oo doolar ay Dowladda Fadaraalka bishii ka soo gasho gobolka Banaadir, taas oo ka dhigan in ku dhawaad 200 oo Malayan ay ka soo xarooto Sanadkii, waxaana la is weydiinayaa waxa lagu qabto iyo halka ay marto lacagta intaas la eg.
Wadayaaasha gaadiidka shacabku raaco, sida caasiyada iyo mootooyinka, ayaa si joogto ah cabsho u soo bandhiga, kadib markii ay go’een qaar ka mid ah jidadka magaalada, mana jirto cid wax ka qabata cabashooyinka dad weynaha.
KEYDMEDIA ONLINE
Add comment
Comments
There are no comments for this entry yet.