KEYDMEDIA ONLINE DIB U HABEYN BAA KU SOCOTA
Xaalada magaalada wali waa ay cakirantahay, dadkuna waxaa ay aad uga baqayaan Maleeshiyaad dhar cad ah oo Shabaab ka tirsan kuwaasoo iyagoo bastoolado wata dadka ugaarsanaya.
Magaalada maanta kama jirin wax dhaq dhaqaaq ganacsi ah, waxaana xirnaa gabi ahaanba goobihii ganacsiga ee magaalada.
Ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo kuwa Kneya ee AMISOM wali si rasmi ah uma soo galin magaalada oo waa ay hadda ku suggan yihiin daafacaha magaalada.
Saraakiisha Ciidamada Dowladda oo hadlay ayaa sheegay inaysan ku deg degeynin inay gudaha u galaan magaalada maadaama ay dhicin karto in Maleeshiyaadkii Shabaab ay markale soo rogaal celiyaan.
Keydmedia kala soco wararkii ugu dambeeyay ee dalka iyo guud ahaan Caalamka oo dhan.
Keydmedia Online -Xafiiska, Kismaayo
Add comment
Comments
There are no comments for this entry yet.