KEYDMEDIA ONLINE DIB U HABEYN BAA KU SOCOTA
Saraakiil ka tirsan Wasaarada Gaashaandhiga Mareykanka oo la hadlay Wakaalada Wararka ayaa sheegay ay raadinayeen Nin Kenyaan ah oo kamid ah Kooxda Al-Shabaab.
Ninkaan oo lagu magacaabo Cikrama ayaa la sheegay in uu ku suganyahay Baraawe kana mid yahay Dadkii soo diyaariyay Weerarkii Westgate.
Saraakiishaan oo oo Magacooda qariyay ayaa meesha ka saaray Wararka sheegayay in Mareykanku uu raadinayay Axmed Godane.
Mareykanka ayaa Qirtay in uu ku fashilmay Weerarkii Baraawe, Mas’uuliyiinta Al-shabaab ayaa sheegay in ay ka hortageen Ciidamadaan, Jabiyeenah.
Dowlada Mareykanka ayaa xaqiijisay in Ciidamadeeda Navy SEALs ay ka qeybgaleen Weerarkii lagu qaaday Guri ku yaala Magaalada Baraawe ee gobolka Sh/Hoose.
Keydmedia Online - Xafiiska Muqdisho
Add comment
Comments
There are no comments for this entry yet.