Magacyada Hogaamiyaal Al-Shabaab looga dilay Kuntuwareey

Saraakiisha Ciidanka xoogga dalka, ayaa soo bandhigay magacyada iyo darajooyinka afar hogaamiye oo Al-Shabaab shalay looga dilay howlgalkii lagula wareegay degmada Kuntuwaarey.

Warar Keydmedia Online

Dowladda ayaa dib ula wareegtay degmada Kuntuwaarey, ee gobolka Shabeellaha Hoose kadib howlgal si wadajir ah u fuliyeen Ciidanka Kumaandooska DANAB ee Mareykanka uu tababaray iyo kuwa AMISOM.

Howlgalka waxaa lagu dilay xubno sare oo kamid ahaa Al-Shabaab, kuwaasoo magacyadooda lagu sheegay Maxamuud Axmed Gaboobe Raage (Daariq), Qaalid Cumar SariixMuxsin Sheekh Cali iyo Saalaxudiin.

Waxay kaloo dowladda sheegtay in xabsi ku yaalla degmada laga soo badbaadiyay 33 caruur ah, oo Al-Shabaab si khasab ah waalidiintooda uga soo watay, iyagoo doonayay inay askar ka dhigaan, ugana qeyb-geliyaan dagaallada.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.