Mahad Salaad oo abaabul xooggan ka wada Balcad

Mahad ayaa Balcad u tagay inuu abaabulo beelaha deggan Shabeellaha dhexe, isku dibbada-rido saraakiisha iyo Ciidanka Dowladda ee ku sugan gobolka si uu halkaas uga billowdo howlgal la mid ah midka ka socda gobollada Hiiraan iyo Galgaduud.

Warar Keydmedia Online
Mahad Salaad oo abaabul xooggan ka wada Balcad

BALCAD, Soomaaliya – Sida ay warbaahinta Keydmedia Online u sheegeen ilo loo qaateen ah, Agaasimaha Hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka Qaranka Mahad Maxamed Salaad ayaa maalintii Saddexaad ku sugan degaanno dhaca gobolka Shabeellaha hoose.

Agaasimaha NISA ayaa Arbacadii gaaray degmada Balcad, kadib markii uu soo idlaaday kulan u dhexeeyay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo saraakiil ciidan oo badankoodu ka soo jeedaan gobolka Shabeellaha dhexe.

Madaxweynaha ayaa amar ku bixiyay in si degdeg ah Shabeellaha dhexe looga billowo howlgal ka dhan ah Al-Shabaab, lana kala gooyo isku socodka Kooxda Al-Shabaab ee gobollada Hiiraan iyo  Shabeellooyinka si aysan isugu gurman.

Sida ay xoguhu muujinayaan, u-jeedka Mahad Salaad u tagay Balcad ayaa ah inuu udub dhexeed u noqdo howlgallo ay hoggaaminayso NISA, kuwaas oo  degaannada ku xeeran Muqdisho looga saarayo Kooxda xiriirka la leh Al-Qaacida ee Al-Shabaab.

Sidoo kale, Mahad ayaa Balcad u tagay inuu abaabulo beelaha deggan Shabeellaha dhexe, iskuna dibbada-rido saraakiisha iyo Ciidanka Dowladda ee ku sugan gobolka si uu halkaas uga billowdo howlgal la mid ah midka ka socda gobollada Hiiraan iyo Galgaduud.

Tan iyo Arbacadii ku dhawaad 20 fariisin oo Al-Shabaab ku lahaayeen inta u haxeysa Balacad iyo Afgooye ayay ciidanka Dowladdu ka saareen, waxaana hadda la soo warinayaan in bariga iyo waqooyiga gobolka ay ka billaaban doonaan howlgallo xooggan.

Sidoo kale waxaa degmada Balcad ku sugan Madaxweynaha maamulka Hirshabeelle Cali Guudlaawe, kaasoo dhowr jeer lagu eedeeyay in uusan diyaar u ahayn inuu dagaal la galo Al-Shabaab, inkastoo uu xalay ku dhawaaqay in dagaal loo diyaar garoobo.

Mid ka mid ah sababaha uusan u wali Sh/dhexe uga curan kacdoonka ka dhanka ah Al-Shabaab ayaa ah in aysan dagaalka u socan saraakiisha ciidanka ee gobolkaaas kuwaas oo dhaqaale ka sameeyay jid-gooyooyinka yaalla inta u dhaxeysa Muqdisho iyo Jowhar.

Ma cadda in Agaasimaha Hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka Qaranka Mahad Maxamed Salaad, uu ku guuleysan doono u-jeedkiisa ah in Gobolka looga dareero dagaal ka dhan ah Al-Shabaab si ay isku xirmaan howlgallada Mudug, Galgaduud, Hiiraan iyo Shabeellooyinka.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.