Mahad Salad oo Sirdoonka Itoobiya kula heshiiyay labo arin

Wuxuu kaloo sheegay inay heshiis la gaareen Itoobiya oo ah saaxiibka muhiimka ah ee Soomaaliya, si ay isaga kaashadaan la dagaallanka khatarta argagixisada.

Warar Keydmedia Online
Mahad Salad oo Sirdoonka Itoobiya kula heshiiyay labo arin

MUQDISHO, Soomaaliya - Hay’adaha sirdoonka Itoobiya iyo Soomaaliya ayaa ku heshiiyey inay sii xoojiyaan dadaallada wadajirka ah ee ay kaga hortagayaan khatarta argagixisada gobolka Bariga Afrika.

Sida lagu sheegay war-saxaafadeedka ka soo baxay Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISS), Wefti uu hoggaaminayo Ku-xigeenka Agaasimaha Guud ee Hay’adda, Sisay Tola, waxay Soomaaliya ku tageen Qalab Caafimaad iyo Daawooyin ay dawladda Itoobiya ugu tala-gashay dadkii ku waxyeeloobay Weerarkii Argagixiso ee Zoobe, Oktoobar 29, 2022.

Taliye ku xigeenka NISS Sisay Tola ayaa kulan looga hadlay arrimaha taagan iyo labada dal la qaatay Agaasimaha Guud ee Hay’adda Sirdoonka Qaranka Soomaaliyeed Mahad Maxamed Salad.

Bayaanka NISS ayaa tilmaamaya in si looga fogaado khatarta dhacdooyinkan oo kale, ay lagama maarmaan tahay in la xoojiyo iskaashiga iyo la dagaalanka argagixisada Bariga Afrika.

Sisay ayaa shaaca ka qaaday in NISS ay sii wadi doonto xoojinta iskaashiga dhanka tayaynta iyo isdhaafsiga macluumaadka ee ay la leedahay dhigeeda Soomaaliya ee ka hortagga argagixisada.

Mahad Salad ayaa uga mahad celiyay dowladda Itoobiya deeqdan caafimaad ee ay soo gaarsiisay.

Wuxuu kaloo sheegay inay heshiis la gaareen Itoobiya oo ah saaxiibka muhiimka ah ee Soomaaliya, si ay isaga kaashadaan la dagaallanka khatarta argagixisada.

Itoobiya ayaa labo bilood kahor lagu qaadey weerar Al-Shabaab xuduuda ugu gudubtay, kaasoo lagu dilay askar badan oo Liyuu boolis katirsanaa, iyadoo hadda Addis Ababa weerarkaas ka dib billowdey inay la shaqeyso maamulada iyo dowladda Dhexe ee Soomaaliya si ay u hesho amni.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.