Mahdi Guuleed oo waji-gabax kala kulmay guul-wadeynta Farmaajo

Musharixiinta ayaa sheegay inaysan ka qeybgali doonin doorasho loo qaabeeyay guusha Farmaajo.

Warar Keydmedia Online
Mahdi Guuleed oo waji-gabax kala kulmay guul-wadeynta Farmaajo

MUQDISHO, Soomaaliya - Ra'iisul Wasaare ku xigeenka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed Khadar, ayaa si indha la'aan ah u difaacay Farmaajo kadib markii lagu eedeeyay inuu musuq-maasuqay gudiyadda doorashooyinka.

Qoraal uu bartiisa Facebook soo dhigay ayuu ku sheegay in Musharaxiinta soo saarey qoraalka maalintii shalay ay ku jirto kalsooni darro.

“Waxa aan aad ula yaabay qoraal sida la sheegay ka soo baxay mas’uuliyiin ku isman murashaxiinta Madaxweynaha ee doorashada 2020/21. Qoraalkaas oo lagu duraayo Guddiyada Doorashooyinka, waxaa ka muuqday kalsooni-darro, quus iyo niyadjab," ayuu yiri Mahdi.

Waxuu sheegay inuu garan waayay farqiga u dhaxeeya Guddigii Doorashada 2016 iyo kan 2020 oo ay labadaba kasoo dhex muuqdeen wiilal iyo gabdho oo labada xafiis u kala shaqayn jiray ama shaqeeya.

Waxaa u jawaabey Xildhibaan Mahad Salaad oo ku yiri: Soomaalidu waxay ku maahmaahdaa CIIRTAADA DHAME AYAA CAYDAADA YAQAANA. Waa nasiib daro Mahdi Gulled oo dad iyo duunyo ka arradan, shaqada kaliya ee Xamar uu u joogana ay tahay guulwadeynta Farmaajo iyo dullaynta dadka uu ka dhashay in uu caawa sidaas noogu daacdaacsado!".

"Gulledow Xamar waxay caan ku tahay “KORISO, KIBRISO iyo KUFISO” waxaan ku leenahay NIMAAN KUU FURI DOONIN YUUSAN KUU RARIN. Farmaajo waa tagay ee dadkaaga haka dhex bixin," ayuu hadalkiisa raaciyay.

Mahdi Guuleed ayaa lagu tilmaamay inuu yahay mas'uul musuq-maasuq badan islamarkaana nin jeclaysiga ku caan baxay, isagoo labadii bilood ee uu ahaa sii hayaha xilka Ra'iisul Wasaaraha lunsadey lacag badan, sidoo kalena xafiiskiisa keenay dhalinyaro beeshiisa ah.

KEYDMEDIA ONLINE 

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.