Mahdi oo booqday Wasaaradda Maaliyadda iyo musuq-maasuq laga baqayo

Booqashadiisa ayaa noqonaysa mid kusoo beegmaysa xili laga cabsi qabo in lacagta Dawladda ay lunsadaan shaqsiyaadka gacanta ku haya maadaama dalka uu Marxalad cusub, oo kala-guur ah galay.

Warar Keydmedia Online
Mahdi oo booqday Wasaaradda Maaliyadda iyo musuq-maasuq laga baqayo

MUQDISHO, Soomaaliya - Sii hayaha xilka Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya, Mahdi Maxamed Guuleed [Khadar], ayaa Maanta oo Isniin ah booqasho kormeer ah ku tagey xarunta Wasaaradda Maaliyadda, oo ku taalla magaaladda Muqdisho.

Wuxuu la kulmay Wasiirka Maaliyadda C/raxmaan Ducaalle Beyle iyo qaar kamida howlwadeenada Wasaaradda, oo siiyay warbixin la xiriirta arrimaha maaliyadda, gaara ahaan dib u habeynta dhaaqaalaha, kobaca dakhliga gudaha, miisaaniyadda iyo dagaalka lagula jiro caabuqa COVID-19.

Ku-simaha Ra'iisul Wasaaraha ayaa la sheegay in laga soo diray Xafiiska Madaxweynaha, si uu u hubiyo hadii ay jiraan lacago lagala baxay akoonadda dawladda iyo in laga hortago musuq-maasuq dhaca xiliga kala-guurka ah, oo qof walba oo maamulka hadda jira katirsan u ordayo sidii uu kursigiisa ugu soo laaban lahaa doorashadda soo socota.

Farmaajo ayaa xilka ka qaadey Kheyre sabtidi lasoo dhaafay kadib markii ku kala aragtdi duwanaadeen arrinta doorashadda oo Madaxweynaha doonayo inaan la qaban waqtigeeda, iyadoo taasi Ra'iisul Wasaaraha ka diiday, kuna mowqif noqday Madaxda Maamul Goboleedyada dalka.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.