Malaayiin Carruur Soomaali ah oo halis ugu jira inay u dhintaan gaajo

Saadaasha ayaa tilmaamaysa in xaaladda bini'aadanimo ay kasii dari doonto bilaha soo socda, iyadoo xilli roobaadkii shanaad uusan si fiican uga di'in guud ahaan dalka.

Warar Keydmedia Online
Malaayiin Carruur Soomaali ah oo halis ugu jira inay u dhintaan gaajo

MUQDISHO, Soomaaliya - Abaarta ka jirta Soomaaliya ayaa ku qasabtay in ka badan 800,000 oo qof in ay ka barakacaan guryahoodii, iyadoo in ka badan 7 milyan ay soo food saartay cunto yari daran, sida ay sheegtay hay’adda gargaarka caalamiga ah ee World Vision.

Saadaasha ayaa tilmaamaysa in xaaladda bini'aadanimo ay kasii dari doonto bilaha soo socda, iyadoo xilli roobaadkii shanaad uusan si fiican uga di'in guud ahaan dalka.

Waa abaartii ugu darneyd ee Soomaaliya soo marta muddo 40 sano ah, iyadoo in ka badan 200,000 oo qof ay hal tallaabo u jiraan xaaladaha macluusha, waxaana jirin gurmad dadka ay helayaan.

Qiyaastii 1.5 milyan oo carruur Soomaali ah, oo da'doodu ka yar tahay 5 sano, ayaa halis ugu jira nafaqo la'aan inay u dhintaan, taasoo muujinaysa in xaaladda bani'aadanimo faraha ka baxayso.

Malaayiin qoys oo Soomaaliyeed ayaa la daalaa dhacaya qiimaha cunnada oo sare u kacay, halka abaaruhu ay xaalufiyeen dalagyadii iyo xoolihii noloshooda ku tiirsanayd, taasoo wiiqday awoodii wax iibsiga ee dadka.

Waxbarashadda Carruurta ayay abaarta sidoo kale saameysay, maadaama ay ka tageen dugsiga si ay u helaan cunto magaalooyinka waaweyn, sida Muqdisho oo duleedkeeda ay degan yihiin kumanaan barakacayaal ah, oo aan haysan caawinaad.

Hay’adda World Vision ayaa ka cabsi qabta in dagaalka Ukraine uu indhaha caalamka ka weeciyo dhibaatada gaajada oo si xowli ah uga socota Geeska Afrika muddo bilo ah.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.