KEYDMEDIA ONLINE DIB U HABEYN BAA KU SOCOTA
Axmed Rufle oo ah Afhayeenka Ciidamada dowladda ee gobbolka Gedo ayaa saxaafada u sheegay in baabuur nooca dagaalka ah oo uu saaranyahay qori dhashiike ah iyo 5 qof nin oo kooxda Shabaabka ka tirsanaa ay isku soo dhiibeen Ciidamada dowladda ee Gedo.
Waxaa uu Mr Rufle intaasi ku daray in ka hor intii aysan raggaan isa soo dhiibin ay xariiro la soo sameeyeen masuulyiinta sar sar ee dowladda ee ku suggan degmada Garbahaareey.
"Maleeshiyaadka isku soo dhiibay Ciidamada qaranka waa 5 nin, waxaana ay wataan gaari noooca Cabdi-bilaha ah oo uu saaranyahay qoriga dhashiikaha ah, waxaan wadnaa sidii aan dhaqan celin ugu sameyn lahayn, annaguna si wanagsan ayaan u soo dhaweenay," ayuu yiri Afhayeenka Ciidamada dowladda ee gobbolka Gedo.
Kooxda Shabaabka ayaa hadda u muuqata kuwo ay ka kala carrarayaan Maleeshiyaadkii u dagaalami jiray kadib markii la wiiqay awoodoodii.
Keydmedia.net - Xafiiska, Kismaayo
Add comment
Comments
There are no comments for this entry yet.