Maleeshiyaad Kooxda Shabaabka oo ku dagaalamay Duleedka Afmadow

Kismaayo (Keydmedia) - Dagaal saacado kooban socday oo u dhaxeeyo Maleeshiyaadka ka kala tirsan Maleeshiyaadka dhawaan Al qaacidada ku biiray Shabaab ayaa waxaa uu maanta ka dhacay duleedka dhanka galbeed ee degmada Afmadow ee gobbolka Jubbada Hoose, ayadoona dagaalkaasi uu khasaaro badan ka dhashay.
Warar Keydmedia Online

Dagaalkaan ayaa bilowday kadib markii Horjooge cusub oo uu Mr. Axmed Godane u soo magacaabay degmada Afmadow ee gobbolka Jubbada Hoose oo magaciisa lagu soo koobay Sheekh Khaalid iyo horjoogihii hore uu khilaaf xooggan soo kala dhexgalay taasoo markii dambe dhalisay inay rasaas isku bilaaban Malabada Maleeshiyo ee kala taageersan labada horjooge.

Ilaa hada inta la xaqiijiyay 3 ka tirsan Maleeshiyaadkii la safnaa horjoogaha cusub ee dhawaan uu soo magacaabay Dhagar-qabe Axmed Cabdi Godane ayaa ku dhimatay dagaalkaasi waxaana ku dhaawacmay ilaa 5 kale oo labada dhinac ka kala tirsan.

Wararka anynu Afmadow ka helayno ayaa waxaa ay sheegayaan in Maleeshiyaadkii iyo horjoogahoodii uu soomagacaabay Godane laga cayriyay magaalada iyagoona ku soo laabtay magaalada Kismaayo. Xaalada ayaa wali kacsan waxaana jira warar hoose oo sheegaya in Maleeshiyaadka la soo raacdaystay ay Kismaayo u doonteen ciidamo iyo hub dheeri ah.

Keydmedia.net , Xafiiska, Kismaayo

 

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.