Maleeshiyaadka Raaskambooni oo Askari ka tirsan Ciidamda Dowlada ku toogteen Kismaayo

Kismaayo (KON) - Koox hubaysan ayaa galabta Askari ka tirsanaa Ciidamada dowladda Soomaalia ku dishay magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose.
Warar Keydmedia Online

Goobjoogayaal la hadleen Wariyaha Keydmedia Online ee Magaalada Kismaayo ayaa sheegeen in mid kamid ah Nimanka Dilkaas geestay uu kamid yahay Maleeshiyaadka Raaskambooni.

Ciidamada dowladda iyo kuwa Raaskaambooni ayaa la soo sheegayaa inay baaritaanno ka wada halka uu falka ka dhacay.

Xaalada amaan ee magaalada Kismaayo Maalmahaan ee la soo dhaafay ma uusan ahayn mid wanaagsan, waxaana jiray falal isugu jiray dilal iyo dhaawac kuwaasoo inta badan loo geysanayay dad rayid ah. Amaandaradaas ayaa la dul saary Maamulka KMG ah ee Kismaayo oo uu Hogaamiyo Axmed Madoobe.

Keydmedia Online - Xafiiska Kismaayo

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.