KEYDMEDIA ONLINE DIB U HABEYN BAA KU SOCOTA
Maleeshiyaad aad u hubeysan, wajiyadana soo duubtay ayaa lagu arkayaa Xeryaha Kaamamka ee magaalada Kismaayo kuwaasoo gaaf wareegaya guryahada dadka Barakacayaasha ah.
Horjoogayaasha dhanka amaanka ee Maamulka Shabaabka ee Kismaayo oo hadlay waxaa ay sheegeen inay xaqiijinayaan amaanka Xeryaha Barakacaasha ee gudaha magaalada si looga hortagaan bay dhaheen amni darada maalmihii ugu dambeeyay ka jiray Xeryaha ay ku noolyihiin dadka Barakacaayasha ah.
Maalmo ka hor ayay ahayd markii ragg ka tirsan Maleehiyaadka Shabaabka ee magaalada Kismaayo ay kufsadeen Gabar Soomaaliyeed oo ka mid ahayd dadka barakacayaasha ah ee ku nool Xerada Bader ee xaafada Farjano ee magaalada Kismaayo.
Si kastaba howlgalaadan ay Maleeshiyaadka Shabaabka ka bilaabeen Xeryaha ay ku jiraan dadka Barakacayaasha ah ee Kismaayo ayaa u muuqanaya kuwo ay ku doonayaan falkii wuxuushnimada ahaa ee ay dhawaan u geyteen Faadumo Cali Maareey oo ay si xun u kufsadeen Maleeshiyaadku.
Keydmedia.net - Xafiiska, Kismaayo
Add comment
Comments
There are no comments for this entry yet.