Kooxda Shabaab oo Kismaayo Dhalinyarada si Qasab ah Dagaalka ku Galinaya

Kismaayo (Keydmedia) - Xili Ciidamada Isgarabsanaya ay magaalada Kismaayo ku soo wajahanyihiin ayaa waxaa gudaha magaalada Kismaayo ka bilowday raaf kii ugu dambeeyay oo ay Maleshiyaadka kooxda Shabaabka ay la beegsanayaa qeybaha kala duwan ee dhalinyarada ku nool magaalada Kismaayo.
Warar Keydmedia Online

Maleeshiyaadka ayaa bilaabay inay masaajidyada si xoog ah ku galaan islamarkaana ay si qasab ah ku kaxeeyaan dhalinyadarada ku cibaadeysanaysa Masaajidyada magaalada, ayadoona qeybaha kala duwan ee waalidiinta ay walaac aad u daran ka muujiyeen tilaabadaan ay ku kacayaan Maleeshiyaadka Shabaabka.

Maleeshiyaadka ayaa sheegay in mudo badan ay dhalinyarada magaalada ugu baaqayeen inay dagaalka Jihaadka ah ka qeyb qaataan.

Horjoogaha kooxda Shabaabka ee magaalada Kismaayo Sheekh Xasan Yacquub ayaa dhowaan waxaa uu Idaacada ku hadasha afka Shabaabka ka sheegay inay waajib tahay in dhalinyarada hadii ay diidaan inay jihaadka ka qeyb galaan si qasab ah lagu galiyo,sida uu hadalka u yiri.

Keydmedia.net - Xafiiska, Kismaayo

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.