Maleeshiyaadka Shabaab oo Weerar Ku Qaaday Kismaayo

Kismaayo (KON)- Maleeshiyaad ka tirsan kooxda Shabaab ayaa xalay weerarro arbusha ah ku qaaday magaalada Kismaayo ee xarunta gobbolka Jubbada Hoose, ayadoo rasaas goos goos ah xalay laga maqlay qeybo kamid ah magaalada.
Warar Keydmedia Online

Garoonka Diyaaradaha iyo Dekadda ayaa kamid ah meelaha xalay laga maqlay halkaasoo la sheegay in weerar madaafiic ah ay ku soo qaadeen Maleeshiyaad Shabaab ka tirsan.

Goobjoogayaal Kismaayo ku suggan ayaa KON u sheegay in xaafadaha Callaley iyo Dalcaada ee magaalada Kismaayo xalay laga maqlay rasaas aan sidaasi u xooganeyn.

Ma jirto faah faahin intaasi ka badan oo laga helayo sida ay xalay wax uga dhaceen magaalada Kismaayo.

Maleeshiyaadka Shabaab ayaa waxay bilaabeen wararro ku dhufoo ka dhaqaaqa ah kuwaasoo ay ku doonayaan inay ku khal khal galiyaan amaanka magaalada Kismaayo.

Keydmedia Online -Xafiiska, Kismaayo

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.