Maraakiibta Dagaal ee Kenya oo wali Duqeyn ku haya Magaalada Kismaayo

Kismaayo (Keydmedia) - 24-kii saac ee la soo dhaafay magaalada Kismaayo waxaa ka taagnaa wal wal iyo walaahoow aad u ballaaran oo ay qabaan reer Kismaayo kadib markii Maraakiib Dagaal oo ay dowladda Kenya leedahay ay duqeyn ku bilaabeen magaalada.
Warar Keydmedia Online

Shalay aroortii abaaro 6:00am ayay ahayd markii dadka reer Kismaayo ay ku soo tooseen duqeyn ay Maraakiibta Kenya u geysanayaan magaalada, inkastoo khasaaraha dadka rayidka ah uu yaryahay haddana dadku waxaa ay aad uga wal walsanyihiin waxa ka dhalan kara hadii ay duqeynta sii socoto.

Xalay iyo saaka ayay markale Maraakibtu duqeynta ay ku hayaan magaalada Kismaayo ay dib u bilaabeen.

Goobjoogayaal ka dhadhow meelaha ay ku soo dhacayaan gantaalada ayaa Keydmedia u xaqiijiyay in khasaaraha uu yahay oo rura dhimashada hal qof iyo dhaawaca sadex kale.

Maraakiibta ayaa duqeynta waxaa ay si gaar ah ula beegsanayaan xarumaha Ciidan ee ay Maleeshiyaadka Shabaabku ku leeyihiin magaalada Kismaayo.

Warbaahinta Keydmedia ayaa markasta idiin soo gudbin doonta wararka xaqiiqada ah ee magaalada Kismaayo iyo gobbolada Jubbooyinka.

Keydmedia.net - Xafiiska, Kismaayo

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.