Mareykanka oo ka hadlay duqayn ka dhacday J/dhexe

C/llaahi Nadiir oo sidoo kale loo yaqaannay C/llaahi Yare, C/llaahi Yariisow iyo Cubeyd, wuxuu ka mid ahaa aas-aasayaashii Al-Shabaab, wuxuu soo noqday madaxa Shuurada iyo Maaliyadda & madaxa warbaahinta Kooxda Al-Shabaab.

Warar Keydmedia Online
Mareykanka oo ka hadlay duqayn ka dhacday J/dhexe

NAIROBI, Kenya - Taliska Mareykanka ee Afrika ayaa shaaca ka qaaday in iyaga oo kaashanaya Dowladda Federaalka  ay duqeyn diyaaradeed ka fuliyeen degaan u dhow degmada Jilib oo qiyaastii 370 KM dhanka Koonfur Galbeed kaga beegan Muqdisho.

War ka soo baxay AFRICOM ayaa lagu sheegay in duqeynta oo dhacday 1-dii bishan October lagu bartilmaameedsaday horjooge ka tirsan Kooxda Al-Shabaab ee ka dagaalanta Soomaaliya, hayeeshee ma aysan sheegin magaca horjoogaha la duqeeyay.

AFRICOM, waxa ay sheegtay in qiimeynta hordhaca ah ee talisku ku sameeyay natiijada duqeyntaas ay tahay in kaliya lagu dilay horjooge ka tirsan Al-Shabaab, isla-markaana aysan jirin dad rayid ah oo ku wax-yeelloobay howlgalka oo la fuliyay xilli habeen ah.

“Taliska Mareykanka ee Afrika ayaa sii wadi doona qiimeynta natiijada howlgalka, waxaana ay bixin doonaan macluumaad dheeri ah sida ugu habboon”, ayaa lagu yiri warka ka soo baxay AFRICOM oo in ka badan 10 sano duqaymo cirka ah ka fulineysa Soomaaliya.

Dowladda Fedraalka Soomaaliya ayaa shalay sheegtay in horjooha Al-Shabaab ee 1-dii bishaan lagu dilay degaanka Xaramka lagu magacaabi jiray C/llaahi Nadiir, kaasoo hore madaxiisa l dul dhigay lacag dhan 3 Milyan oo Doollarka Mareykanka ah.

Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay Al-Shabaab oo ku aaddan sheegashada dilka C/llaahi Nadiir oo ka mid ahaa aas aasayaashii kooxdaasi, isla markaana soo qabtay xilal kala duwan oo ay ka mid yihiin Madaxa Maaliyadda iyo Warbaahinta.

Mareykanka ayaa dhawaan dib ugu soo celiyay Soomaaliya boqolaal askari oo gaar ah kadib doorashadii Madaxweyne Xasan Sheekh bishii May ee sanadkan, waxaana ay dib u billaabeen duqeymaha ay ka fulinayaan gudaha dalkaan ku yaalla geeska Afrika.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.