KEYDMEDIA ONLINE DIB U HABEYN BAA KU SOCOTA
Jake Sullivan wuxuu sheegay in Maraykanku si degdeg ah u xoojiyay dadaallada ku aaddan howlaha gargaarka, isagoo sheegay in Mareykanku uu wax ka qabashada abaaraha Soomaaliya ugu deeqay in ka badan $706 milyan oo dollar sanadkan oo kaliya.
WASHINGTON – Sida lagu sheegay bayaan uu soo saaray Jake Sullivan oo ah la taliyaha Amniga Qaranka Mareykanka, Aqalka Cad wuxuu aad uga walaacsan yahay saadaasha aan wanaagsaneyn iyo baaxadda abaaraha daran ee ka jirta Soomaaliya iyo gobolka oo dhan.
Bayaankaan ayaa lagu sheegay in khabiirka Arrimaha Bini'aadannimada ee guddiga dib u eegista macluusha uu saadaaliyay in qaybo ka mid ah Soomaaliya ay u badan tahay inay ka dhifan doonto macaluul inta u dhaxaysa bilaha soo socda ee Oktoobar iyo Disembar.
Jake Sullivan wuxuu xusay in macluusha iman karta ay tahay natiijada arrimo isbiirsaday, xilli Isbeddelka cimilada uu weli kasii socda gobolka iyadoo ay jiro abaartii ugu xumayd ee Geeska Afrika ka dhacda 70 sano, xilli aan wali laga soo kaban masiibadii Covid-19.
"Waxaa intaa dheer, duullaankii Ruushka ee Ukraine wuxuu kordhiyey qiimaha cuntada, bacriminta iyo shidaalka, taas oo uga sii dartay baahida bini'aadanimo iyo ka dhigista gargaarka mid qaaliga ah, isla markaana xaddiday gaaritaankiisa" ayuu sii yiri Sullivan.
Aqalka Cad wuxuu sheegay in loo baahan yahay in gargaar bani’aadannimo oo ku filan la gaarsiiyo dadka abaaruhu saameeyeen xilliga ku habboon si looga hor tago macluul, nafaqo-xumo aad u daran, gaajo, iyo dhimasho ka dhaca Soomaaliya oo aad u nugul.
Jake Sullivan wuxuu sheegay in Maraykanku si degdeg ah u xoojiyay dadaallada ku aaddan howlaha gargaarka, isagoo sheegay in Mareykanku uu wax ka qabashada abaaraha Soomaaliya ugu deeqay in ka badan $706 milyan oo dollar sanadkan oo kaliya.
Washington waxa ay wax laga xumaado ku tilmaantay in aysan weli arag deeq-bixiyeyaal kale oo soo kordhiyey kaalmooyin la taaban karo iyo gargaar, waxayna muujisay sida ay lama huraan u tahay in beesha caalamku ay si degdeg ah wax uga qabato mushkiladda.
Samantha Power oo ah Madaxa ugu sarreeya hay’adda Kaalmada iyo Hormarinta Caalamiga ah ee Mareykanka, (USAID) oo July timid Muqdisho ayaa ku dhawaaqdey 476 milyan oo deeq dheeriya ah taas oo sare u qaadday deeqda Mareykanka ee Soomaaliya sanadkaan.
Abaarta daran ee dalka ka jirta ayaa saameysay ku dhowaad 7.8 milyan oo qof, taasoo u dhiganta ku dhawaad 50% tirada guud ee dadka, halka ay hal milyan oo qof ka barakaceen guryahooda, kuwaas oo u baahan garab istaag iyo gargaar bani’aadannimo oo degdeg ah.
KEYDMEDIA ONLINE
Add comment
Comments
There are no comments for this entry yet.