Mareykanka oo kaalmada dhaqaale ka jaranaya Itoobiya

Tallaabadaan uu Mareykanka ku hakinaya kaalmada uu Itoobiya siiyo ayaa la sheegaya in ay saameyn ku yeelan doonto dhaqaalaha dalkaas iyo biyo xireenka Webiga Nile.

Warar Keydmedia Online
Mareykanka oo kaalmada dhaqaale ka jaranaya Itoobiya

MUQDISHO, Soomaaliya - Mareykanka ayaa dowladda Federaalka Itoobiya ka jaranaya kaalmada dhaqaale uu siin jiray, waxaana tallaabadaan lala xiriirinayaa khailaafka xooggan ee ka taagan biyo xireenka Webige Nale.

Dowladda Mareykanka ayaa Itoobiya siiso kab miisaaniyadeed dhan 130 Milyan oo doollar, kaasoo hadii ay ka joojiso saameyn xooggan ku yeelan doono dhaqaalaha Itoobiya, sida lagu daabacay warbixin uu qoray wargeyska Foriegn Policy.

Qorshahan Mareykanka ku hakinayo dhaqaalaha uu siin jiray Xukuumada Adis Ababa ayaa waxaa meel mariyay xoghayaha arimaha dibedda ee Maraykanka Mike Pompeo, waxaana talaabadan laga yaabaa in ay xumeyso xiriirka Adis Ababa iyo Washigton.

Dhaqaalaha dowlada Mareykanka ka hakinayo xukuumada Adis Ababa ayaa sidoo kale saameyn ku yeelan kara dhinacyada ammaanka, la dagaallanka argagixisada, tababarka ciidamada iyo ka hortagga tahriibka ee Itoobiya.

Khuburo dhinaca siyaasadda bariga Afrika ah ayaa sheegaya in Mareykanka uu la saftay dowladda Masar oo khilaaf dhinaca biyo xireenka Webiga Nile uu kala dhaxeeyo Itoobiya, islamarkaana Itoobiya ku cadaadinayo in arinta wada xaajood lagu dhameeyo.

KEYDMEDIA ONLINE 

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.