Markab Shidaal u sidey Muqdisho oo la afduubay

Waa afduubkii ugu horeeyay tan iyo 2017 ka dhaca xeebaha dalka Soomaaliya oo horey u noqday meel khatar badan oo ay adkayd inay isaga kala gooshaan Maraakiibta.

Warar Keydmedia Online
Markab Shidaal u sidey Muqdisho oo la afduubay

MUQDISHO, Soomaaliya - Markab Shidaal u sidey Muqdisho, kana yimid dalka Imaaraadka ayaa Maanta oo Khamiis ah lagu afduubay Xeebaha Puntland, waana weerarkii ugu horeeyay oo Burcad-badeeda si guul leh u fuliyaan tan iyo 2017.

Sarkaal katirsan maamulka gobolka Bari oo lagu magacaabo Muuse Saalax ayaa sheegay in lix nin oo hubeysan ay dusha markabka saaran yihiin, islamarkaana ay haystaan shaqaalihii la socday, oo badmaaxiyaal kamid yihiin. Lama oga halka ay ku hayaan hadda.

"Lix nin oo AK-47 ku hubeysan, islamarkaan watay doon ayaa xalay Markabka ku weeraray xeebaha degaanka Bareeda xili uu Muqdisho kusii jeeday, waa afduub ay geysteen burcad-badeeda ka qowlaysata badda," ayuu yiri Muuse.

Falkan afduubka markabkan ka dul-babanaya calanka Panama ayaa imaanaya xili biyaha Soomaaliya ay ku sugan yihiin Ciidamo caalami ah oo Midowga Yurub hogaaminayo, kuwaasoo sheegay inay la dagaalamayaan burcad-badeeda.

Sanadkii 2011 ayaa dhacay afduubkii ugu badnaa ee Maraakiib lagu qabsadey Xeebaha wadanka Soomaaliya, waxayna burcad-badeeda fuliyeen 237 weerar, oo intooda badan ku guuleysteen hadafkooda.

Lacago aad u badan ayaa laga sameeyay howsha burcad-badeednimada, iyadoo madax-furasho laga helay la-haystiyaasha ajnabiga iyo maraakiibtii ay la socdeen, oo ay ku jireen kuwa Malaayiin dollar laga qaadey.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.