Markab baabuur u siday Soomaaliya oo quusay

Muqdisho(Keydmedia)Markab gaadiid u siday dalka Soomaaliya ayaa ku quusay meel aan ka fogeyn xeebaha waddanka Cumaan waxaana lagu guuleystay in shaqaalihii markabkaasi saarnaa lasoo badbaadiyo.
Warar Keydmedia Online

Markabkan ayaa ka yimid magaalada Dubai e xarunta ganacsiga u ah waddanka isu tagga imaaraadka carabta waxaanu ku shiiday meel 30 mayl  dhinaca badda  u jirta xeebta Shanaas ee waddanka Cumaan.

Markabkan waxa uu sitay calanka dalka Paanama waxaanu shixnad baabuur ah u siday dalka Soomaaliya iyadoo lagu soo warramayo in gabi ahaanba markabka iyo gaadiidkii uu sidayba ay quuseen.

Ciidamada ilaalada xeebaha saldanadda Cumaan ayaa xaqiijiyay dhacdadaasi iyagoo sidoo kalena sheegay in ay soo badbaadiyeen 15 shaqaale oo markabkaasi dagay ka shaqeynayay kuwaasoo 13 kamid ahi ay Hindi yihiin halka labada kalena ay Suuriya iyo Masar u kala dhasheen.

Shilkani waxa uu dhacay aroornimadii Khamiistii waxaanay qeylo dhaanta markabku gaartay ciidamada ilaalada xeebaha dalka Cumaan abaarihii shantii iyo qadar 45 daqiiqo ah iyadoo roondada ciidamadaasi oo aan ka fogeyn goobta uu shilku ka dhacay ay u suurta gashay in shaqaalahaasi badbaadiyaan.

Tirada gaadiidka uu markabkaasi siday ayaa lagu sheegay in ay gaareysay 300 oo baabuur oo yar yar u badan kuwaasoo ay lahaayeen ganacsato Soomaali ah waxaana la xaqiijiyay in markabkani uu kusoo jeeday dekadda magaalada berbera ee  maamulka Soomaaliland.

Shaqaalihii markabkaasi ee lasoo badbaadiyay ayaa waxa ay sheegeen in markabku uu dalooshaday isla markaana ay si xowli badan biyuhu usoo galeen culeyskiisa oo markii hore xad dhaaf ahaana uu sababay in uu salka badda fariisto .

Saraakiil ka tirsan ciidamada xeebaha dalka Cumaan ayaa hubiyay inay wadaan baaritaanno xooggan oo ay ku baadi goobayaan faahfaahinta shilkaasi iyagoo sidaasoo kalena sheegay in sharikadaha badda ee arrimahaasi ku shaqada lihi ay dhabarka u ridan doonaan soo saarista markabkaasi.

Inta badan maraakiibta shixnadaha geeya dalka Soomaaliya waa kuwo aan awood sidaasi ah laheyn isla markaana rarka lasaaro uu ka badan yahay intii loogu talo galay, sida ay sheegayaan ciidamadii dadka markabkaasi quusay saarnaa soo badbaadiyay.

Isha Xogta: Barkulan

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.